“Mahada koowaad waxa leh Allaah marka labaad Ciidanka policeka ee Gobolka Sanaag Gaar ahaan Degmada Ceerigaabo oo garab ka helaya qaybo ka mid ah Ciidanka Qaybta Sadexaad ee milateriga kuwaas oo ku Guulaystay in ay ka hor tagaan barnaamij abaabulan oo lagu khalkhal galinayay amaanka magaalada Ceerigaabo,
Sidoo kale waxan u mahadcelinaynaa Waayeelkii iyo dhalinyaradii la shaqeynayay ciidanka ee garab taagnaa ,
Waxan ugu baaqayaa bulshada ku nool Gobolka gaar ahaan degmada Ceerigaabo in ay meel uga soo wada jeestaan wax kasta oo halis ku ah amaanka iyo wada noolanshaha bulsha”
Waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay Ceerigaabo mid ah iyo gobolka Sanaag oo isku duuban.
Badhasaabka Gobolka Sanaag Ahmed Isdeber.