Heemaal News Network

Caro ka Dhalatay Sharabaad Lagu Qoray Magaca ilaahay Oo Lagu iibiyay Dal Islaam ah

Ninka caanka ah ee aasaasay ganacsi laga leeyahay dalka Malaysia ayaa lagu soo oogay dacwad ka dhan ah iibinta sigsaan ama sharabaaddo ay dusha sare kaga qoran tahay magaca ilaahay ee ‘Allah’.

Chai Kee Kan iyo xaaskiisa, Loh Siew Mui, oo ah agaasimaha shirkadda, ayaa lagu eedeeyay inay dhaawaceen dareenka diimeed ee dadka kale.

sharabaadadan ayaa laga helay bakhaar ku yaalla duleedka caasimadda dalka Malaysia taasi oo ay si weyn uga caroodeen dadka muslimiinta ah oo u arka badeecadaasi mid aflagaaddo ah.

Maxkamad ku taalla dalka Malaysia ayaa ku soo oogtay eedeymo madaxda sare kadib markii lagu helay sigisaantan oo lagu iibinayo mid ka mid ah dukaamadooda.

Shan qof ayaa lagu soo oogay dacwad Talaadadii kadib markii sawirrada sharabaadada dambiga ah ay caro ka muujiyeen dadka baraha bulshada.

Waxay diideen dambiga. Haddiise lagu helo dambiga lagu soo oogay, waxa ay muteysan karaan xabsi ilaa hal sano ah.

Sharabaadada ayaa muran ka dhashay laba todobaad ka hor, iyadoo qaarkood ay ku baaqeen in la qaadaco goobahan ganacsi.

Suuqa yar ee KK Super Mart Malaysia ee Xin Jian Chang, ayaa raaligelin bixiyay. Bakhaarku waxa kale oo uu khaanadihiisa ka saaray sharabaaddadan carada dhaliyay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dakhliga Dawlada Fadaraalka Oo Si Lama Filaan Ah U Kobcay

Heemaal

Ganacsatada G/Banaadir Oo Cabasho ka ah in Laga Qaado Lacago aan Sharci aheyn

Heemaaln

Bangiga Ganacsiga Ugu Wayn Itoobiya Oo Cillad Farsamo Looga la Bexay Lacago Badan

Heemaaln