Heemaal News Network

Ceebaha dul Hoganaya Hay’adda Aagga Cashuuraha Ka Caagan Ee Freezone Berbera

Ceebaha dul hoganaqaya Hay’adda Aagga Cashuuraha Ka Caagan Ee Freezone Berbera iyo Shaqaalihii ka Shaqeynaayay oo loo kale abtirinwayo ,

Ila xogogaal ah oo laga helayo freezone ka berbera ayaa sheegaysa in Agaasimaha maamulka iyo lacagta freezone ka berbera Abdirahman Awad , uu shaqalihii sadexdii bilood u danbeeyay la soo qoray uu u diiday qaar ka mid ah lacagtii musharka inuu uu siiyo , Halka qaar kale oo shaqaalaha oo isla mar la soo qorayna lacagta tii u siiyay taas uu sheegay in ay isku deegan ka soo jeedan oo isku reer yihiin ,

Waxa kaloo Xogta intaa ku daraysaa in Agaasimuhu uu awood ka haystaa sida la sheegayo Mareeyaha Hay,adda Aagga Ganacsiga Cashuuraha ka Caagan oo adeer u aha agaasimaha maamulka iyo lacagta freezone ka

12 Shaqaalaha Isku wakhti ayaa Freezoneka lagu soo qoray qaar ka mid ahna musharkii ayaa loo siidayay kuwa kalena deegankaasa ayaa musharkii ku waayen mudo sadex bilood ah ayaa shaqaalaha Haayada ka tirsan yihiin

La soco wixii danbe