Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da , ayaa la wadaagtay Israa’iil — warbixinno sirdoon oo la xiriira awoodda weerarrada jawaab celinta ah ee Israa’iil ay la kulmi karto haddii ay weerarto Iran, iyadoo warbixinta lagu xaqiijiyay inay Iran u diyaarsanyihiin 2,000 gantaal oo ah kuwa guuxooda ka dheeraya oo mid kasta oo ka mid ah uu qaadi karo in ka badan 900 kiiloogaraam, taa oo ka dhigan haddii ay Iran ugu talagasho burburka ugu baaxada weyna taariikhda inay gaarsiin karto Israa’iil, sida ay werisay shabakadda Mareykanka ka soo baxda ee Axios.
Nuxurku warbixinta , waa in nidaamyada difaaca aysan awood u yeelin karin inay Israa’iil ka difaacaan weerar ay Iran u adeegsato gantaalladeeda wax burburiya!
Dalka leh, wax soosaarkaa cabsida leh , waa waddan Mareykanka iyo xulafadiisa ay go’doomiyeen muddo 40 sanno ah , oo la saaray cunaqabateyn dhinac kasta — dalkaasi iskuday kasta oo lagu weerarrayo hadda wuxuu awood u leeyahay inuu noqonayo dagaal aysan cidna ku guuleysan karin!