Heemaal News Network

“Cida kaliya Ee Amniga Ukraine Damaanad-qaadi kartaa waa Turkiga.”Madaxwayne Zelensky

Madaxweynaha Ukraine , Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Turkigu uu yahay cidda ugu mudan ee bixin karta dammaanada amni ee Ukraine.

Madaxwaynaha oo arrintaa ka hadlaya wuxuu yiri ; “ Marka ay timaado dammaanad qaadka amniga, waxaan u sheegay saaxiibadeyda – waa inaan ku tiirsannahay Turkiga iyo Madaxweyne Erdogan. Waa maxay sababtu? Sababtoo ah waxa dhabta ah ee muhiimka ah waa inuu diyaar u yahay dib u dhiska ciidan dhab ah oo ay yeelato Ukraine oo ay ku jirto qalabeyntooda, sida dhismaha maraakiibta militari.”

Hadalkan wuxuu maanta sheegay, kaddib markii uu toddobaadkii hore Ankara booqday Zelensky , isagoo la kulmay Erdogan, markaa oo warbaahinta Turkiga uu u sheegay inuu Turkiga diyaar u yahay Ukraine inuu ku taageerro sidii ay xubin uga noqon lahayd NATO.