Heemaal News Network

Cidanka Qaranka Oo Maleeshiyaad Khawaarij ah ku Laayay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Mudug.

WAR SAXAAFADEED
Cidanka Qaranka oo maleeshiyaad khawaarij ah ku laayay hawlgal ka dhacay gobolka Mudug.

Muqdisho, 24 April, 2024: In ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawigal milateri oo ay iska kaashadeen Clidanka Qalabka Sida iyo saaxiibada calamiga ah oo laga fuliyay deegaanka Carfuuda oo qiyaastii 20km Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Hawlgalka waxaa lagu beegsaday labo arumood oo kala ahaa, mid ay isku abaabulayeen maleeshiyaad Khawaarij ah iyo xarun ay ku diyaarinayeen qaraxyo.

Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa sidoo kale ku guulaystay in ay burburiyaan dhammaan saanaddii Khawaarijta oo ay ku jiraan gawaarida dagaalka iyo kuwa ay qaraxyo u diyaariyeen.

Hadafka ugu wayn ee dowladda ayaa ah in Khawaarita lagu beegsado goob kasta oo ay gabaadsadaan si dadkeena iyo dalkeena looga xoreeyo cadawga Khawaarijta.
-Dhammaad-