Heemaal News Network

Ciidamada Amniga Oo Caawa Muqdisho ku Qabtay Nin watay Boorso Qaraxyo Lagu soo Qariyay.(Sawirro)

Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa caawa magaalada Muqdisho ku fashiliyay boorso laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ,oo la doonayay in lagu dhibaateeyo dad shacab ah.

Ciidanka NISA ayaana degmada Cabdicasiis gaar ahaan agagaarka xeebta Liido ku qabtay nin dhallinyaro ah oo watay boorso lagu soo qariyay waxyaabaha qarxa, taa oo la ogeyn goobta la doonayay in lagu bartilmaameedsado.

War kasoo baxay laamaha ammaanka ayaana lagu sheegay in gacanta lagu hayo boorsada waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo ninkii watay, waxa ayna xuseen in ninka la hayo baaris lagu sameenayo lana horgeenayo caddaaladda.

Qaraxan caawa la fashiliyay ayaa imaanaya xilli ciidanada ammaanka xoojiyeen amniga caasimadda Muqdisho, si ay uga hortagaan falalka ammaanka lidiga ku ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Magacaabay Ergayga Fulinta Ballamihii Uu Qaaday…

Heemaaln

M/Biixi Oo Golaha Wakiillada ku Celiyey Miisaaniyaddii Sanadkan Iyo Samaynta ka dhalan karta

Heemaaln

Booliska Somaliya Oo ka Hadlay Xildhibaan Beesha Isaaq Maanta Looga Dilay Muqdisho iyo Dilal kale Oo Badan

Heemaaln