Heemaal News Network

Ciidamada Gorgor Ee Somaliya Oo Markii Ugu Horeysay Lagu wareejiyay dyaarad Drone.

Ciidamada kumaandooska gorgor xoogga dalka soomaaliyed ayaa lagu wareejiyay markii ugu horeysay diyaarad nuuca drone aan duuliyaha lahayn (UAS), TOGAN, ee lagu sameeyay dalka turkiga.

Waxaa soo saaray Defence Technologies Engineering and Trade Inc. (STM).

UAS TOGAN waxay leedahay nidaam kontorool duulimaad oo gaar ah oo loogu talagalay sahminta heerka taatikada, ilaalinta iyo howlgallada sirdoonka.

Diyaarada caalamiga ah ee UAV, TOGAN, waxay wax arki kartaa wax aan la arki karin, iyo wax aan aysan ogaan karin diyaaradaha droniska kale waxay fulisay tijaabooyinkii lagu semeyay hawlgal wax ku ool ah oo habeen iyo maalinba leh isku si ayeey u shaqeyneysa.

Awoodaha yar-yar ee taatikada ah waxay ka howlgali kartaa meelaha aan GPS-ka lahayn ayadoo fulineysa howlgallada iyadoon waxyeello loo geysan khatarta dagaalka elektiroonigga ah ee cadowga,