Heemaal News Network

Ciidamada Itoobiya Ee ATMIS Oo Bandow ka Dhaqan Galiyay Degmada Doolow Ee Gobolka Gedo.

Ciidamada Itoobiya oo aan ka mid ahayn howlgalka Midowga Afrika ayaa bandow habeenkii ah ka dhaqan galiyay degmada Doolow ee xadka Soomaaliya.

ENDF ayaa dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay gobolka Gedo, iyagoo isku fidiyay dhul ballaaran oo ay ka mid tahay waddada xiriirisa Doolow iyo Beled-Xaawo, halkaasoo lagu dilay 6 qof oo Oromo ah.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen guri ku yaala magaalada Beled-Xaawo, halkaasi oo ay ku dileen lix ruux oo carruur ay ku jiraan, kuwaasi oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada, sida ay sheegeen saraakiisha amaanka ee degmadaasi.

Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ku-meel-gaarka ah, ama ATMIS, iyo ciidamo kale oo ka jooga Soomaaliya kuwaas oo ay dowladda Soomaaliya horey u dalbatay si ay ula dagaalamaan kooxda Alshabaab.

Wasiirka amniga maamulka Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa sheegay in maamulkooda uu aaminsan yahay in Al-shabaab ay beegsadeen dadka u dhashay dalka Itoobiya, kuwaasoo magaalada u joogay arrimo ganacsi iyo shaqooyin guri.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Somaliya Oo soo Dhoweysay Go’aanka QM Ee Looga Hortagayo Islaam Nacaybka

Heemaaln

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Qaabilay Gudomiyaha Midowga Culimada Islaamka.(Sawiro)

Heemaaln

Barnaamij Suaalo Lagu Waydiinayo Wasiirka Amniga Maamulka SSC Khaatumo

Heemaaln