Heemaal News Network

Ciidamada Oo Muqdisho ku Qabtay Nin kufsaday Gabdho Uu Hooyadeed Qabay

Ciidanka booliiska Soomaaliya ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa maanta gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay in uu kufsi u geestay labo gabdhood uu adeer u ahaa oo ay dhashay xaaskii uu ninkan qabay.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay soo qabteen ninkan ku eedeysan in uu saakay kufsaday labada gabdhood uu adeerka u ahaa, kuwaa oo kala jira 10-sanno iyo 18-sanno.

”Ciidanka boliiska ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane la sheegay in uu kufsi ugu gaystay degmada Dharkeenley labo gabdhood oo xaaskiisu dhashay 17-02-2024 abaaro 8:40 am. Dhibanayaasha ayaa da’doodu tahay 18 jir iyo 10 jir” ayaa lagu yiri warka booliiska.

Ciidanka booliiska ayaa sheegay in eedeysanaha kufsaday gabdha uu adeerka u yahay ku socoto baaritaan, waxa ayna xuseen in baaritaanka kaddib loo gudbin doono laamaha caddaaladda si ninkan loogu qaado eeda dambiga uu galay.

Dhacdooyinka argagaxa leh ayaa muddooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka, waxaana horey u jiray kiisas la xariiray rag xaassakooda gubay sidoo kale gowracay iyo haween iyana raggii qabay dilay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Sirdoonka Ina M/Biixi ayaa Muqdisho ku Dilay, Markaasa Meydkii Hargeysa Geyseen, Wax..” Abwaan Dhuunkaal Oo Xasan Sheekh ku Dhaliilay

Heemaaln

“Suldaan Makaahiil Oo Gacan ku Rimis Wasiir Saajin wato Reer Nuur ma Aqbalaayo” Beesha Reer Nuur

Heemaaln

”Xasan Sheekh wuxuu Doonayey inuu Abiy Ahmed la kulmo Balse wuu Diiday ”Xil Qodax

Heemaaln