Heemaal News Network

Ciidamo Ajaaniib Ah Oo Dawlada fadalaaku Qorshaynayso In Ay Keento Dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in ay ku soo daabusho ciidamo shisheeye oo badalaya kuwa ATMIS ee waqtigoodu sii dhamaanayo dhamaadka sanadkan, sida uu sheegay Xuseen Sheekh Cali oo ah La-taliyaha Amniga Qaranka.

Xuseen Sheikh Cali ayaa sheegay in wada xaajoodyada ku saabsan qaabka iyo halka ay ka imaanayaan ciidamadan ay socdaan, iyadoo laga yaabo inay qeyb ka ahaadaan ciidamadii hore ee ATMIS.

Ciidamadan imaan doona ayaa howshoodu noqon doontaa in ay ilaaliyaan goobaha muhiimka ah ee ku yaalla caasimadda.

Si kastaba ha ahaatee, ciiidamadan kama qeyb qaadan doonaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab.

Ciidamada la qorsheeyay oo tiradooda lagu sheegay 3,000 ilaa 8,000 oo askari, ayaa la filayaa inay ka howlgalaan Soomaaliya muddo 12 bilood ah, iyadoo lagu saleynayo xaaladda ammaan ee dalka.

La taliyaha amniga qaranka waxa uu sheegay sida ay lagama maarmaanka u tahay in ciidamadan ay ilaaliyaan kaabayaasha muhiimka ah, sida garoomada diyaaradaha.

Waxa uu sheegay in laga yaabo in ay ku shaqeeyaan magaca Midowga Afrika, inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin imaanshahooda.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Muqdisho:-Ugaas kasoo Jeeda Somaliland Oo ka Hadlay Isku-dey Dil Oo Uu ka Badbaaday, Dhibka soo Gaaray iyo Cidda ka Denbeysa.

Heemaaln

Wasiir Fardowso”Talaabadii Ugu Horeysay Ee Lagu ilaalinaayo Badqabka Duulimaadyada Hawada Somaliya waanu Qaadnay”

Heemaaln

Hargeysa Oo Jabhad Loogu Dhawaaqay, Ciidanka Garxajis Oo 72-saac Uqabtay M/Biixi.

Heemaaln