Ciidamadan oo muddo 6 bilood ah tababar ku qaadanayay xerada Tababarka Ciidanka Itoobiya ee Magaalada Baydhabo ayaa la baray xirfado kala duwan oo ciidan, kuwaas oo sare u qaadaya awoodda difaaca iyo sugidda amniga Deeganada Koonfur Galbeed.
Saraakiil iyo tababarayaal Itoobiyaan ah ayaa ciidankan Koonfur Galbeed siinayay tababarkan maanta loo soo xiray, waxaana ciidankan lagula dardaarmay in dadkooda iyo deegaankooda ugu adeegaan daacadnimo.
Ciidankan tababarka loo soo xiray ayaa loo qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab , waxa ayna ciidankan ka howlgali doonaam deegaannada Koonfur Galbeed.