Madaxweyne Siciid Deni ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda, isagoo ciidamada cusub ku dhiirrigeliyey inay door weyn ka qaataan hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee ka socda buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Wuxuuna Madaxweyne Deni u mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta oo muddo badan ka shaqeynaysay gacantana ku haysay tababarka iyo diyaarinta Ciidamadan.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Agaasimaha Guud Ahna Taliyaha Ciidanka PMPF Gen Cabdirabi Cabdisamed, Agaasime Ku-xigeenka PMPF Maxamuud Salaal Cumar, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada, Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, la-taliyeyaal Madaxweyne iyo marti sharaf kala duwan .