Ciidamada oo helay xog sugan oo ay hayeen ayaa weeraray godad ay kooxda khawaarijta ku dhuumanayeen, kuwaas oo ku yaalla deegaanka Yaaq-Dabayleel ee gobolka Jubada Hoose, halkaas oo kooxda Al-Shabaab saldhig ku lahayd.
Sidoo kale, ciidamada ayaa weerarro kale ka fuliyey meelo kale oo kooxda Al-Shabaab ay ku dhuumaalaysanayeen, kuwaas oo u dhexeeya deegaanada Orgiyow iyo Barjaale. Halkaas ayaa jab culus lagu gaarsiiyey kooxda, waxaana gacanta lagu dhigay Malayshiyaad ka tirsan khawaarijta iyo hub fara badan.
Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kumaandooska Danab ayaa sii wada hawlgallada ka dhanka ah kooxda khawaarijta, iyaga oo baacsanaya firxadka kooxda. Hawlgalladu weli way socdaan, waxaana la filayaa warbixinno dheeraad ah oo ku saabsan natiijada hawlgallada.