Heemaal News Network

Ciidamo ka Gadoodsan Oo Gaadiid Badan ku Xayiray Kaantaroolka Garoowe.(Sawiro)

Ciidamo katirsan daraawiishta maamulka Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa xiray koontaroolka bari ee magaalada Garawe ee caasimadda Puntland, waxa ayna ciidamada halkaasi xirtay diideen in ay ka gudbaan gaadiidka.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada gadoodsan ayaa koontaroolka ku xayiray boqolaal gaari oo kuwa xamuulka qaada ah, kuwaa oo qaarkood ka baxayeen magaalada Garawe, halka kuwa kalana magaalada kusoo jeedeen.

Qaar kamid ah saraakiisha hoggaamisa ciidamada gadoodsan ayaa sheegay in muddo sagaal bilood ah aysan helin wax mushaar ah,waxa ayna sheegeen in sababta gadoodkooda ay salka ku heyso sidii ay u heli lahaayeen xaquuqda ka maqan.

Ciidamada gadoodsan ayaana sheegay in koontaroolka u xirnaan doono kuna xayirnaan doonaan gaadiidka inta cabashadooda laga xalinayo lana siinayo xaquuqda muddada sagaalka bilood ah ka maqan.

Gadoodka ay sameenayaan ciidamada maamulka Puntland ayaa muddooyinkan dambe soo badanayay, waxa ayna ciidamada sheegayeen in aysan helin wax mushaar iyo xaquuq kala ah muddo bilooyin ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

RW kuxigenka Somaliya ”Waalidkeyga Oo Xanuunsan ayaan Tagi Waayay Somaliland”

Heemaal

Dowladaha Somaliya iyo Qatar Oo kala Saxiixday Ieshiis is-afgarad ah.(Sawirro)

Heemaaln

Shacabka Muqdisho maxay ka Yidhaahdeen Shirkii Garoowe Maalmahan ka socday?

Heemaaln