Heemaal News Network

Ciidan Ka Dhoofay Muqdisho Oo Ka Qayb Galaya Dhoolatus Ciidan Oo Caalami Ah

Saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhoolatus Ciidan uga qeyb-galaya Dalka dibadiisa ayaa ka anbabaxay garoonka diyaaraddaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Dhoolatuskan oo ka dhacaya dalka Kenya ayaa waxaa qeyb ka ah dowlado kala duwan oo dowlada Soomaaliya qeyb ka tahay, waxaana Xoogga Dalka wakiil uga ah cutubyo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab XDS.

Saraakiisha Ciidanka XDS ee garoonka ka sa gootiyay Ciidankan ayaa kula dardaarmay inay door wanaagsan soo qaataan, ayna sameeyaan bandhig ku qotoma tababarka iyo tayada wanaagsan ee Xoogga dalka oo bilaabay la wareegidda amniga guud ee dalka.

Sawirka Guji Kadib Dhinaca Falaadha Midigta Ku Dhufo

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Magacyada Saraakiil Imaaraadka ah Oo Lagu Dilay Muqdisho Oo la Shaaciyay

Heemaaln

Xasan Sheekh Iyo Amiirka Qadar Oo Tababar U soo Xiray Ciidamada Cirka Ee Labada Dal.(Sawiro)

Heemaal

“Waqooyiga Xasuuq ayaa loo Gaystay, Sababtaas ayuu Aabahay u Raacay,” Xuseen Gen.Caydiid.

Heemaaln