S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa bogaadiyay dadaalka iyo dhabar adeega ay muujiyeen ciidanka mudada uu socday tababarka.
Sidoo kale taliyaha ayaa u mahadceliyay dowladaha Jabuuti iyo taliyaaniga oo uu sheegay inay door weyn ka qaateen tababarada iyo dib u dhiska ciidanka boliiska soomaalieed.
Ugu dambeyn taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmad Firin ayaa ka codsadey dowladda Talyaaniga iyo Jabuuti inay sii wadaan taageerada dhanka tababarada ah ee ay siiyaan boliiska Soomaaliyeed, si loo xoojiyo tayada ciidanka daraawiishta boliiska Soomaaliyeed.