Heemaal News Network

Ciidanka Booliska Oo Hadda War kasoo Saaray Xairga Qadan Qaran Iyo Goosha.

Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysan Qadan Cabdilaahi Maxamed iyo Ubax Cabdiraxmaan Cumar kuwaasi oo dhawaanahan baraha bulshada ku faafinaayay aflagaadooyin , kicin dadweyne iyo dhaqamo xunxun oo kasoo horjeeda Diinteenna suubban iyo dhaqanka wanaagsan.

Ciidamada Boolisku iyagoo gudanaayo waajibaadka ka saaran ilaalinta Diinta , dhaqanka iyo bad-qabka bulshada ayay labadan eedaysane gacanta kusoo dhigeen , waxaana degdeg loo horgayn doonaa Hay’addaha garsoorka .

Taliska Ciidanka Booliska JSL ,waxa uu digniin u dirayaa dadka caadaystay dhaqamada noocan oo kale ah , cidii falalka noocaasa ku kacdana waxa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.