Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay gaadiid nuuca dagaalka ah oo ay wateen kooxdii Al Shabaab ee weerartay deegaanka Ceel Cali Axmed, kuwaa oo la sheegay in la gubay lana dilay xubnihii Al Shabaab katirsanaa ee la socday gaadiidkaasi.
Warbaahinta dowladda ayaa lagu baahiyay sawirada dhowr gaari oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo ay wateen kooxdii Al Shabaab ee weerartay deegaanka Ceel Cali Axmed, gaadiidkan ayeyna sheegeen dowladda in ciidanka dowladda gubeen.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan gaadiid dagaal iyo hub lagala wareegay kooxda Al Shabaab, waxa ayna intaasi ku direen in dagaalka lagu dilay saraakiil iyo xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab.
Gaadiidka dagaalka ee laga gubay kooxda Al Shabaab ayaa la sheegay in qaarkood ahaayeen kuwa ay horey kooxdan uga qabsadeen ciidanka dowladda, waxaana gaadiidka qaar ka muuqday astaamaha iyo calaamaha gaadiidka ciidanka milatariga.
Weerarkii kooxda Al Shabaab kusoo qaadeen deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, ayaa kooxda Al Shabaab lagu gaarsiiyay jab xooggan, waxaana halkaasi looga dilay saraakiil iyo dagaallamayaal kale oo deegaankaasi dagaal ku galay.