Madaxweynaha Dalka Senegal Bassirou Diomaye Faye ayaa gebi ahaanba Albaabada iskugu dhuftey Saldhigyadii Military ee France ku la hayd dalkaasi ilaa 1960-kii.
Senegal ayaa noqoneysa wadankii 4aad Galbeedka Africa oo si toos ah uga soo horjeesta galaan galka Ciidan iyo siyaasad ee Dalka France uu sida wayn ugu lahaa wadama uu horey u soo gumaystey ee Galbeedka Africa.
Horey waxaa dalalkooda uga eryey wadamada Mali, Niger Iyo Burkina Faso ka dib markii milateriga dalalkaas ay xukunka kala wareegeen dowladihii taabacsanaa faransiiska
Wadamadii Africa ayaa si aan caadi ahayn u soo baraarugaaya mudooyinkan danbe, ayagoo si bareer ah uga soo horjeesanaaya gumaystaha xeeladeeysan ee guranayey khayraadka dalalkooda.
Sidoo kale dalalkan ayaa xiriir adag la sameystay dalka Ruushka oo reer galbeedka si weyn uga soo horjeeda, waxayna dalalkooda ka siiyeen saldhigyo ciidan iyagoo u arkay Ruushka inuu danahooda ka shaqeynayo.