Sida laga soo xigtay telefishinka Skynews 130 askari oo ka tirsan ciidanka Israa’iil ee ku sugan gudaha marinka Qasa ayaa warqad wadajir ah u diray wasiirka difaaca Israa’iil, Yoav Gallant iyo Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Netanyahu iyagoo ugu hanjabay inaysan dagaallami doonin haddii aan heshiis lagu sii deynayo maxaabiista lala gaarin Xamaas.
Warqada ay qoreen askarta ayaa lagu sheegay; “Sii wadida dagaalka Qasa ma aha oo kaliya dib u dhigista soo celinta maxaabiista, laakiin waxay sidoo kale khatar gelinaysaa noloshooda…. Hadday dawladdu wax ka beddeli weydo oo ay ka shaqayn waydo heshiis la gaaro, ma sii shaqayn doono.”