Illaa hadda ma jiro hadal ka soo baxay dhinaca Xamaas, iyadoo tan ay ku soo aadayso markii howlgal ay ka fuliyeen ciidanka Israa’iil koonfurta Qasa ay ku gaareen meydadka afar maxbuus, marka uu dhacay howlgalkaa waxaa la sheegay inay Israa’iil ka oggaatay mid ka mid ah kumannaan rag ah oo ay Israa’iil ka qabatay Qasa oo si adag loo ciqaabo,mid ka mid ah ragga ay sida adag Israa’iil u ciqaabtay ayaa la sheegay in laga helay afarta maxbuus inuu goobta lagu hayo, kuwaaso markii dambe iyagoo meyd ah la soo saaray.
Wargeyska New York Times, ayaa sidoo kale maalin ka hor baahiyay in Mareykanka uu Qasa geeyay raadaaro la socda dhaqdhaqaaqa dhulka hoostiisa ah , halkaa oo ay ka howlgallayaan sirdoonka CIA-da oo la sheegay inay baadigoobayaan hoggaamiyaha Xamaas, Yaxye Sinwar.