Dhaawacyo iyo meydad ah ayaa ku daadsan waddooyinka iyo burburka dhismayaasha waqooyiga Qasa, iyadoo aysan jirin cid iskudayi karta inay gargaar u fidiso, sababo la xiriira taangiyada iyo diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeynaya.
Isbitaalka Indonesia, oo ka mid ah kuwa fara ku tiriska ah ee shaqeynaya ayaa hadda loo diidday bukaannada iyo shaqaalaha inay gaaraan cuntada iyo biyaha, waxaana isku haraareeyay ciidanka Israa’iil, sida ay ku warramayso Al Jazeera oo maamulka isbitaalka xiganaysa.
Israa’iil ayaa xasuuq argagax leh ka wada waqooyiga marinka Qasa oo go’doon aan horey loo arag ku jira muddo 17 maalin ah, muddadaa ku dhawaad kun qof ayaa lagu dilay duqeymaha iyo weerarrada Israa’iil ee ka dhacaya waqooyiga Qasa.
Israa’iil waxay beegsanaysa dadka iskudayaya inay gargaar u fidiyaan carruurta iyo haweenka ku dhimanaya kuna dhaawacmaya duqeymaha, halkaa ka socda
Al Jazeera ayaa baahisay inay caddeymo u heyso ciidanka Israa’iil inay gaashaan ay isaga dhigaan rasaasta u adeegsadaan dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta oo ay afduubaan, kuwaasoo ku dhimanaya iska horimaadyada ka dhacaya gudaha Qasa. Isla qodobkan waxaa ku raacay Al Jazeera wargeyska ka soo baxa Israa’iil ee Haaretz, oo dhankiisa sheegay inay ciidamada Israa’iil goobaha dagaallada u kaxeystaan dadka rayidka ah si ugu adeegsadaan hab gaashaan ah.
Warbixinnada laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka waqooyiga Qasa ayaa sheegay waxa ka dhacaya waqooyiga inay ka daran yihiin wixii dhacay maalintii koowaad ee dagaalka.