Heemaal News Network

Ciidanka Israel Oo ku Dhawaaqay iney soo Afjareen hHowlgalkii Gaza

Ciidanka Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay soo afjareen howlgalkii 10ka bilood ka wadeen gudaha Qasa

Hay’adda sirdoonka Israa’iil ayaa sidoo kale ku wargeliysay Netanyahu in la gaaray xilligii uu qaadan lahaa heshiis xabad joojin ah, sida ay sheegtay Al-Jazeera oo xiganaysa warbaahinta Israa’iil.

Ciidanka Israa’iil ayaa la sheegay inay gudaha Qasa geli karaan marka ay diyaariyaan xogta sirdoon ee howlgallada, taasoo ka dhigan inaysan jirin xog sirdoon oo ay waqtigan la joogo ciidanka ku sugan gudaha Qasa heystaan si ay weerarro u fuliyaan.

Israel ayaa waxaa Gaza kaga sugan ku dhowaad 100 kun askari oo qalabkoodu u dhan yahay kuwaasoo ay taageerayaan dayuuradaha dagaalka iyo sirdoonka reer galbeed hase ahaatee waxay 10 bilood oo dagaal ah ka dib ku fashilmeen hadafkii iney soo afjaraan Xamaas oo gudaha Gaza ku heysata ilaa 30 kun oo dagaalyahan kuwaasoo aan heysanin hub culus kuna jira meel go’doon ah.

Saraakiil sare oo Mareykan ah ayaa laga soo xigtay in markii u horreysay lagu dhow yahay in la gaaro heshiiska xabbad-joojinta Qasa, waxaana soo jeedintii u dambeysay loo gudbiyay Xamaas iyo Israa’iil , iyadoo saraakiisha Carabta iyo Mareykanka ay rajeynayaan in heshiiskan la saxiixo karo dhammaadka toddobaadkan, sida ay sheegtay Al Jazeera.