Heemaal News Network

Ciidanka Israel Oo Shaaciyey iney Duulaan Cusub ku Qaadayaan

Israa’iil ayaa muujinaysa sida ay u doonayso inay dagaal kale ku furto Falastiiniyiinta, tan oo la xiriirta inay isku diyaarinayso Israa’iil duullaan ay ku qaadi karto Daanta Galbeed ee dhulka falastiiniyiinta la heysto, halkaasoo maanta la arkay ciidan badan oo ay Israa’iil ku daabulayso.

Telefishinka Israa’iil ee Channel 12 ayaa ka soo xigtay taliyaha guud ee ciidanka Israa’iil, Herzi Halevi isagoo leh, “Waa inaan u diyaargarownaa hawlgallada waaweyn ee Daanta Galbeed maalmaha soo socda.”

Taliyaha millatariga Israel ayaa ka digay suurtagalnimada “hawlaha muhiimka ah” ee Israel ee Daanta Galbeed.

“Iyadoo ay weheliso diyaarinta difaaca ee la xoojiyay ee Marinka Gaza, waa in aan u diyaargarownaa howlgallada muhiimka ah ee Yahuudiya iyo Samaariya maalmaha soo socda – si aan uga hortagno oo aan u qabsanno argagixisada ka hor inta aysan gaarin shacabkeena,” ayuu yuru Lt. Gen. Herzi Halevi

“Kuwa ku hawlan argagixisanimada, waxaa loola macaamili doonaa sida Gaza,” Wasiirka Difaaca Israel Katz ayaa yiri mar uu booqasho ku tagay Daanta Galbeed horaantii bishan.

Hooska dagaalka Gaza, ciidamada ammaanka ee Israa’iil ayaa dagaal ba’an kula jira mintidiinta Daanta Galbeed in ka badan hal sano, oo ay ku jiraan xerada qaxootiga ee Jenin.

Ciidamada Israel ayaa dilay 851 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 173 caruur ah Daanta Galbeed ee la haysto iyo Bariga Quddus tan iyo 7-dii Oktoobar 2023, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Ramallah.

Dhanka kale, 2024 wuxuu ahaa sannadkii saddexaad ee ugu dhimashada badnaa Israa’iiliyiinta ee ku nool Daanta Galbeed tan iyo markii xog ururinta la billaabay 2008-dii, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, taasoo diiwaangelisay dhimashada 34 Israa’iiliyiin ah oo iskugu jira 15 askari iyo 19 rayid ah. Dadkaas rayidka ah, 7 ka mid ah waxay ahaayeen dad hallkaas xoog lagu dejiyey.