Heemaal News Network

Ciidanka Israel Oo Xasuuqay Dad Safaf Ugu Jiray Raashin (Sawirro)

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo iyo rasaas ay ridayeen ciidamada Israa’iil oo ku sugnaa meel u dhow xarun gargaar lagu qeybiyo oo ku taal magaalada Rafax ee koonfurta Gaza, sida ay sheegeen dhaqaatiirta iyo dadka deegaanka.

Mohammed Ghareeb, oo ah wariye ku sugan Rafax, ayaa sheegay in kumannaan Falastiiniyiin ah ay isugu soo baxeen meel u dhow xarunta gargaarka, markii taangiyada Israa’iil ay ku soo dhawaadeen oo ay rasaas ku fureen dadkii isugu soo baxay.

Saxafiyiinta maxaliga ah iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa soo wadaagay muuqaalka meydadka iyo dad dhaawac ah oo lagu daabulay gaari dameero oo la geynayo isbitaalka Beerta Cas ee deegaanka al-Mawasi.

Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa sheegay “in aysan hadda ka warqabin dhaawacyada ka dhashay rasaasta ay IDF ku ridday goobta lagu qaybinayo gargaarka bini’aadantinimo. Arrinta weli dib ayaa loo eegayaa.”