Jubbaand ayaa sheegtay iney su buuxda ula wareegtay degaanka Raaskamboni ee gobolka jubada hoose oo mudooyinkan ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan DF oo laga diray Muqdisho.
Ciidanka Jubbaland ayaa gacanta kudhigay garoonka diyaaradaha, bartamaha magaalada iyo buurta saldhiga u ahayd ciidanka dowlada federaalka. Waxaa jira warar sheegaya in ciidankii dowlada dhexe ee federaalka qaar kamid ah laqabtay.
Arrintan ayaa timid ka dib dagaalo dhowr mar ka isku laalaabtay oo ciidamada DF iyo Jubaland ku dhexmaray nawaaxiga degaanka Raaskambooni kuwasoo geystay khasaare labada dhinac soo kala gaaray oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Ciidamadii DF ee joogay raaslamkooni ayaa la sheegay iney badankood ka gudbeen xadka somalia la wadaagto Kenya halka qaar kalena ay ku sugan yihiin degaano ay u firxadeen.
War ay soo saartay Jubbaland ayay ku sheegtay in ciidanadii ay DF ee joogay degaankaas ay noqdeen wax la dilay wax la dhaawacay iyo qaar nolosha lagu qabtay.