Heemaal News Network

Ciidanka Masar iyo Somaliya Oo Dhoolatus Militari ku Samayn-doona Somaliya

Ciidanka Masar iyo Soomaaliya ayaa dhoolatus militari oo wadajir ah oo ay ka qeybqaadanayaan ciidanka dhulka, badda iyo cirka waxay ku sameyn doonaan gudaha Soomaaliya , tan oo ka dhigaysa taariikhda markii koowaad iyo dhoolatus heerka ah oo ka dhacaya gudaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay saraakiil Masaari ah.

Lama sheegin taariikhda dhoolatuska uu ka billaabanayo Soomaaliya iyo tirada ciidamada ka qeybgalaya, iyadoo ay ku soo aadayso xilli labada dal ay sare u qaadeen iskaashigooda militari , halka Qaahira ay kumannaan askari usoo diri doonto Soomaaliya , kuwaaso saldhigyo ku yaalanaya gudaha dalka tiro qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo kumannaan kale oo la sheegay inay gacan ka geysanayaan dib u dhiska ciidanka Soomaaliya.

Dhoolatuska militari , wuxuu sidoo kale ku soo aadayaa xilli xiisadda Masar iyo Soomaaliya oo dhinac ah iyo Itoobiya ay sare martay.