Heemaal News Network

Ciidanka SSC Oo Gacanta kusoo Dhigay Budhcad Dad Dhacayay

Ciidanka Police ka SSC-Khaatumo ayaa gacanta ku dhigay eedaysane Maxamed Cabdi Xirsi oo ay Ciidanku ku soo qabteen isaga oo hubaysan,isla markaana dad shacaba ka dhacayay Mobile da gacanta , isla markaana horey Taleefano kala duwan uga dhacay dhallinyarada iyo dadka xaafadaha magaalada .

Eedaysanahan ayaa isaga oo 5 Taleefon soo dhacay hal habeen ayey Ciidanka oo gacan ka heleya dadka Xaafadahaasi ku guulaystay in ay saacado gudohood ku soo qabtay isaga oo isku dayaya inuu jebiyo Lambarada qarsoon (Password) ee ku xidhan Mobile dan.

Dhinaca Kale , Ciidanka ayaa sheegay in ay maxkamad hor geyn doonaan eedaysanahan isla markaana la marin doono sharciga u dejisan Maamulka SSC-Khaatumo.