Heemaal News Network

Ciidanka Turkiga Oo Isju Diyaariyay Hawl-gal Dhulka ah Oo ay ku Galayaan Suuriya.

Ciidanka Turkiga ayaa lagu warramaya inay isku diyaarinayeen howlgal dhulka ah oo ay qaadayaan, kaliya waxay sugayaan amarka madaxweynaha Turkiga , sida u sheegay afhayeenka xisbiga Erdogan ee AK Party, Ömer Çelik.

Tani waxay la xiriirta dhaqdhaqaaqya ka socda bariga dhexe , waxayna u muuqataa inuu isku diyaarinayo Turkiga gudaha dhulka Suuriya inuu kula dagaallamo kooxda kurdida ee PYD— warku waa in Israa’iil oo adeegsanaysa Mareykanka ay kooxda fulin karto weerarro lagu cadaadinayo Turkiga, wuxuuna doonaya Turkiga inuu gudaha Suuriya ku joojiyo xaalad kasta oo dhinaca uu kala kulmi karo.