Heemaal News Network

Culimada Muqdisho Oo Diiday In Ay Ku Tukaan Marxuum Ay Ku Eedeeyeen,,,

Hadal heyn xoogan ayaa ka dhalatay kadib markii culimadii joogay Masjid ku yaalla deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedkaMuqdisho ay diideen in salaada Janaasada ay ku tukadaan mayd la Keenay Masjidka.

Sheekh Nuur Cali Jaamac oo kamid ah culimada masjidkaas oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka hadlay sababta loogu tukan waayay marxuumka ee dib looga celiyay masaajidka.

Waxaa uu sheegay in Maasidka oo ah mid weyn maalin walba la keeno meyd, isla markaana ay aaminsan yihiin in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad wada islaam ah, sidaas daraadeedna aysan iyagu dadka weydiin in qofka la keenay uu yahay islaam ama gaal, waa sida uu hadalka sheekhu u dhigay.

“Dhammaan dadka Soomaaliyeed asalkooda waa dad Muslimiin ah, qofkii isaga ka baxay Islaamka isaga ayay u taallaaā€¯ ayuu yiri Sheekh Nuur Cali Jaamac.

Sheekh Nuur Cali Jaamac oo ka mid ah culimada Masjidka Waalidayn ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkii wax ka waday marxuumka ay sheegeen in ‘uusan tukan jirin salaadda’, kadibna culimada ay ka sii xaqiijiyeen wiil uu dhalay marxuumka, sidaasna loogu tukan waayay maydka la geeyay masjidka.

Intaas kadib ayuu sheegay Sheekh Nuur Cali Jaamac in culimadii masaajidka joogtay ay go’aansadeen” in aysan ku tukan marka uu dhinto qof isaga oo nool oo caafimaad qaba salaadda diiday”.

Culimada cilmiga fiqiga waxay isku raaceen in xukunka salaadda janaasada uu yahay mid Faradul kifaayo ah oo haddii muslimiinta qaar ka mid ah ay gutaan laga dhaafayo inta soo hartay, hadiise la waayo cidda qabta la wada danbaabayo sida uu sheegay Sheekh Shariif Cabdullahi Shariif Shariif xasan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku sugan magagaalada Nairobi ee dalka kenya.

Shariif Cabdullahi Shariif Shariif xasan Waxaa uu sheegay in qofka aan salaadda daa’imin waxyaabo badan laga fiiranayo oo aan la iska diidayn in lagu tukado salaadda janaasada ah.

“Qofka Taariku salaadka ah culimada islaamka labo ayay u kala qaadaan, in uu yahay qof salaadda uga tagay isaga oo diidan in ay waajib ku tahay iyo in uu yahay qof wahsi iyo culeys ay u gaysay, marka hadii uu yahay qof diidan in salaaddu waajib ku tahay kaas laguma tukanayo” ayuu yir Shariif Cabdullahi Shariif Xasan .

“Laakin hadii qofku salaadda wahsi iyo culeys uga tagto waa lagu tukan karaa waana qof muslim ah oo caasi ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Shariif Cabdullahi waxaa uu sheegay in ay jiraan dad badan oo wahsi iyo culeys uga tagto salaada, ayna qabaan culimada islaamka intooda badan in aan lagu xukmin karin sida dadka aan muslimka aheyn oo kale.

“Culimada islaamka oo dhan waxaa ay isku raacsan yihiin hadii qofka salaada uga tago wahsi in aan lagu xukminaynin gaalnimo” ayuu yiri Shariif Cabdullahi.

Culimada islaamka ayuu sheegay in ay qabaan hadii qof muslim ah uu dhinto oo aan lagu tukan salaada jaansada uu danbi uu ka dhalanayo.

“Wax kasta oo danbi ah Allah wuu dhaafa oo aan ka ahayn shirkiga marka haddii qofku ahlu imaan ahaa in allah u dhaafo ayaa laga yaaba, marka waa lagu tukanayaa”.

Dhacdadan shalay ka dhacday duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan Tabeellaha Sheekh Ibraahim ayaa ah mid naadir ah,kuna cusub magaalada Muqdisho, iyadoo dad badan ay si weyn ugu hadal hayaan baraha bulshada ay ku xariirto.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

M/Biixi Oo Magacaabay Guddida Fudaydinaya Heshiiska Badda Ee Somaliland iyo Ethopia

Heemaaln

Madaxwayne Biixi Deg deg U Booqday Qalabka Hawada Ee Garoonka Diyaaradaha Hargeysa

Heemaaln

Rabashado Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Oo ka Dhacay Buuhoodle Oo Laga Hadlay

Heemaal