Heemaal News Network

D.D.Somalida Itoobiya Oo Amar kasoo Saartay Dagaal Habar-jeclo & Dhulbahante ku Dhexmay Gobolka Doolo

Ha.yada Amaanka Gobolada Doolo iyo Jarar Maamulka Labada Gobol Masuuliyiinta degmooyinka ayaa Guud ahaantood Caawa ku soo fool leh deegaankii galabta dagaalku ka dhacay ee Haye Bari.

Xukuumada Dawlad deegaanka ayaana Amar Ku Bixisay inaan Wax hub ah lala soo galin Kari dhinac Gudaha itoobiya ee dagaalku dhacay Waxayna Dawladu wadaa dagaal balaadhan oo dhinaca Nabad ah iyo inaan deegaankaasi dagaal danbe aanu ka dhicin.

Sidoo ale waxa is hor-fadhiya Ciidamo Beeleedyo galabta ku dagaalamay deegaanka Haye-bari iyo dhinaca ka shishaysa ee Godod ee degaankaasi oo ka mid ah Deegaanada ay wada degaan Habar Jeclo & Dhulbahante kana tirsan Deegaanka Somaalida Ethiopia.

Sidan warka ku helayo dhinaca Galbeedka ee Habar Jeclo Iyo Dhulbahante ilaa hada dhimasho lama sheegine waxaa ku dhaawacmay sadex Qof sida wararku sheegayaan.