Heemaal News Network

D.D.Somalida Oo Gubay Maandooriye Laga soo Uruuriyay Magaalada Mooyaale iyo meelo kale.

Laamaha amaanka gobolka Daawa ee Dowladda Deegaanka Soomaalida, ayaa gubay maandooriye laga soo uruuriyay magaalada Mooyaale iyo meelo kale.

Taliyaha booliska, madaxa xafiiska xeer-illaalinta iyo guddoomiyaha maxkamada Ee gobolka Daawa, ayaa si wada jir ah u gubay.

Maandooriyahan oo iskugu jiray noocyo kala duwan ayaa dhannaa, 1,128.75 giraam, lacago been abuur ah, 34 bogos oo kiniinka riliifka ah oo dhacay iyo daroogada kookiinta 13 xabo ah.