Heemaal News Network

Daaci Saalax Oo Galabta Lagu Xiray Magaalada Borama

Ciidamada Booliska Boorama Ayaa Galabta xabsiga dhigay daaci Saalax oo maalmahanba lagu raad-joogay markii uu wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland shalay amray in la xiro Daacigaasi.

Daaci Saalax ayaa lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay haweenka Somaliyeed, waxaana la xiray saacad kadib markii uu galabta raali-galin ku hor bixiyay Culimada Borama.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay ciidamada Booliiska Borama, balse waxa xariga Daaci Saalax noo xaqiijiyay mid ka mid ah Culimada Borama oo ka cudurdaartay in magaciisa la shaaciyo,kaasoo ilaa hada ku xidhanyahay Saldhiga Dhexe Ee Boorama.