Koox dhallinyaro Turkiga ah ayaa weerarray askari Mareykanka ah oo la socday markabka diyaaradaha xambaara ee Mareykanka ee USS Vasp oo hadda ku sugan magaalada Izmir ee dalka Turkiga.
Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay lagu arkay askarigan oo jahwareersan rag qaylinayana ay juwaan madaxa u gelinayaan, markii dambe waxaa la sheegay dhallinyaradan inay ka tirsan yihiin ururka TGB oo ah midow ay leeyihiin dhallinyarada Turkiga oo ka soo horjeeda Mareykanka iyo reer galbeedka.
Weerarkan dhalinyarada ayaa la sheegay inay uga jawaabayaan ficil kan la mid ah oo askar Mareykan ah ay kula kaceen askari Turkiga oo ku sugnaa Ciraaq 20 sanno ka hor.
Markabka dagaal USS Vasp, wuxuu ka mid ahaa maraakiibtii uu Mareykanka u diray Mediterranean-ka, si ay u difaacaan Israa’iil.