Dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, Karim Khan, ayaa codsaday in la soo xiro hogaamiyaha militariga Myanmar, Min Aung Hlaing oo lagu eedeeyay in uu dambiyo ka dhan ah bini’aadannimada uu u geysatay Muslimiinta Rohingya.
Boqolaal kun oo Rohingya ah ayaa ka qaxay Myanmar sanadkii 2017 si ay uga baxsadaan olole ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay xasuuq ay bilaabeen militariga Burma.
Balse dowladda Myanmar ayaa arrintaas beenisay, waxayna sheegtay in kaliya ay waddo olole ka dhan ah mintidiinta Rohingya.
Weerarrada ka dhanka ah Rohingya ayaa markii ugu horeysay bilowday sanadkii 2017-dii, kadib markii mintidiin Rohingya ay weeraro halis ah ku qaadeen in ka badan 30 xarumood oo boolis ah oo ku yaala Myanmar.
Waxa ay sheegeen in ciidamadu ay taas kaga jawaabeen in ay gubeen tuulooyinkii ay deganaayeen, isla markaana ay weerareen dad rayid ah oo ay dileen.
Mr Khan ayaa sheegay in amarka lagusoo xirayo saraakiisha kale ee Myanmar uu ku xigi doono.
Min Aung Hlaing ayaa xukunka Myanmar ku qabsaday afgambi sanadkii 2021-kii.