Rabshadahan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 16 askari oo ka tirsan ciidanka Suuriya iyo 8 qof oo rayid ah, sida ay ku warrameen telefishinka Al Jazeera iyo wakaaladda wararka ee Reuters.
Isku dhacyadan ayaa billaabmay kadib markii la faafiyay cod lagu aflagaadeed Nabi Maxamed (NNKH), taasoo kicisay xiisado diimeed iyo dagaallo u dhexeeya beelaha.
Dowladda Suuriya ayaa sheegtay in codkaasi uu yahay been abuur, balse rabshadaha ayaa durba ku fiday deegaanno kale oo ay ku badanyihiin dadka ka soo jeeda Druze, tan oo ay xigtay duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ka fuliyeen caasimadda Dimishiq iyo deegaannada ay rabshadaha ka dhaceen.
Duqeymahan ayaa lagu dhaawacay qaar ka mid ah ciidanka amniga Suuriya, waxayna Israa’iil ku andacootay in duqeymaha lagu difaacayo bulshada Druze, digniina loogu dirayo dawladda Suuriya si ay u ilaaliso nabadgalyadda dadka Druze, wallow ay ciidanka amniga Suuriya ku dhawaaqeen in la soo afjaray rabshadaha ka dhacay dulleedka Dimishiq iyo magaalooyinka Jaramana iyo Sahnaya, haddana xaaladda lagu soo celiyay xasillooni, balse hoggaamiyaha bulshada Druze , Mowafaq Tarif ayaa sheegay inay ka dalban doonaan Israa’iil inay ilaaliso bulshada Druze, haddii ay sii socdaan rabshadaha ka dhanka ah Druze, wuxuuna la kulmay taliyaha ciidanka Israa’iil ee aagga waqooyi, Ori Gordin, tan oo sare u qaadaysa walaaca laga qabo inay Israa’iil hurinayso dagaal sokeeye oo dib uga qarxa Suuriya.