Heemaal News Network

Dagaal Khasaaro Sababay Oo Beelaha Habar-jeclo Iyo Habaryoonis ku Dhex-maray Sanaag

Inta la Xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay 11 kale-na way ku dhaawacmeen dagaal goordhoweyd deegaanka Wadaagsin ee degada Ceerigaabo ku dhex maray Beelaha Biciide/Habarjeclo iyo Muuse Tuurwaa/Habaryoonis, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanku.

Hal qof ee dhintay ayaa u dhashay beesha Habarjeclo, waxaana sidoo kale kaga dhaawacmay 4 qof halka dhinaca Habaryoonis ka dhaawacmay lagu sheegay 7 qof.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu weli socdo iyagoo ciidamo beeleedyadu is horfadhiyaan waxaana halkaasi soo gaaray gurmad ka socda ciidamada Somaliland oo u socda inay dagaalka joojiyaan, degaankana ku soo celiyaan nabadgalyadii iyo xasiloonidii.

Ma jiro wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay maamulka gobolka Sanaag & kan degmada Ceerigaabo oo xiisadan ka waramaya