Heemaal News Network

Dagaal u Dhexeeya Maleeshiyo kasoo kala jeeda Puntland & Galmudug Oo ka socda..

Dagaal ayaa maanta ka socda degaan lagu magacaabo Jiic-Boor oo ka tirsan gobolka Mudug kaasoo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed.

Wararka ayaa sheegaya inay halkaas ku dagaallamayaan maleeshiyooyin ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug gaar ahaana Galdogob iyo Bandiiradley.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii maleeshiyaad ka yimid dhinaca Bandiiradley ay afduubteen haweeney iyo carruur ay dhashay oo ka soo jeeda degaanka Galdogob.

Ugu yaraan lix ruux oo labada dhinac ah ayaa ilaa iyo hadda ku geeriyooday dagaalka halka in ka badan 15 kale ku dhaawacmeen.

Ma jiraan ilaa hadda warar ku saabsan dagaalkan oo ka soo kala baxay maamulada Puntland iyo Galmudug oo labada maleeshiyo ay ku kala abtirsadaan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Dakada Lacagaha Inaga Soo Gala Waxa Kamaida..” Wasiirka Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire

Heemaal

Afhayeenka Booliiska Somaliya Oo ka Hadlay Dilalka Qoysaska Ee ka Dhacay Muqdisho Iyo Arimo kale

Heemaaln

Afhayeenkii Ciidanka Booliska Oo Xilkii Wareejiyay

Heemaaln