Heemaal News Network

Dagaalka Gaza Oo Laga Cabsi Qabo inuu Galaafto Mustaqbalka Madaxweyne Biden

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wajahaya cadaadiskii ugu darnaa ee mustaqbalkiisa soo food saaray, ka dib markii uu lumiyey qayb muhiim ah oo ka tirsan dadka seeskiis siyaasadeed dhigay oo ay ku kala dhinteen mowqifka adag ee uu ka istaagey dagaalka Qasa.

Madaxweyne Biden aya la soo baxay mayal adeyg iyo miiggaganaan aan looga baran madaxda Mareykanka, ka dib markii uu ku gacan saryaray talooyin iyo codsiyo uga imaaanayey taageereyaasha Xisbiga Dimuqraadiga oo doonayey in uu ka shaqeeyo sidii loo baajin lahaa masiibda bini’aadamnimo ee ka dhacday marinka Qasa.

Mr. Biden oo si furcaddi ah ula saftay Israa’iil ayaa diidey in uu dheg jalaq u siiyo cadaadis aan kala go’ lahayn oo loog dalbanayey in uu taageero go’aaamada Golaha Ammaanka iyo kan guud ee Qaramada Midoobey si xabadda loo joojiyo. Wuxuuna taas beddelkeed ku hagoogtay Bajamin Natanyahu is xukuumaddiisa oo ay ku badan yihiin kooxaha xagjirka ah.

Go’aanka Madaxweyne Biden ayaa ku so aadey xilli xasaasi ah oo ay qarka u saaran tahay doorasho aad loogu loollamayo oo uu kula jiro ninkii uu kursiga ka ritey oo doonayo in uu markiisa gambarka la geddiyo. Sidaas darteed, Biden ma awoodo in uu lumiyo taageerada xisbiga gudihiisa.

Laakiin dadka siyaasadda Mareykanka odorosa ayaa qaba in odayga uu gacantiisa isku toogtay markii uu baciidsaday qayb muhiim ah oo ka mid ah dadkii talada u dhiibey. Gaar ahaan wuxuu lumiyey kalsoonid Muslimiinta Mareykanka iyo dadyowga kale ee qunyar-socodka ah oo u arkay in ay codkoodi eedeen, waxayna wacad ku mareen in ay sanduuqa codbxinta uga aarsan doonaan.

Joe Biden waxaa waa cusub ku baryey markii malaayiin codbixiyeyal ah oo uu ku xisaabtamayey codkooda u diideen islamarkaana far waa weyn ugu dhigay in uusan codkooda ku tashan.

Madxweyne Biden oo xalay khudbad sannadeedkii ugu dambeysey muddo xileedkiisan xalay u jeediyey dadweynaha Mareykanka ayey walaac ka muujiyey aayaha dalka, wuxuuna billaabay in uu dadka ku beer dulucsado halis ku soo foolleh hab nololeedkooda dimuqraadiga ah. Taas oo loo fasirtay qaylo dhaan naf-la-caari ah oo u uku doonayo in uu caano daatay dabadood qabto.

Xigasho: BBC

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ciidanka Israa’iil Oo Duqeeyay Kumanaan Qof Oo Safaf Ugu jiray Raashiin Gargaar ah

Heemaal

Gaza: Dad kusoo Noqday Goobihii Burburay Ee Khan Younis

Heemaaln

Wasiirka Gaashaan-dhiga Oo Maraykanka kala Hadlay Arimaha Amniga Somaliya.(Sawiro)

Heemaaln