Heemaal News Network

Dagaallo ka Dhacay Bariga Rafah iyadoo Israa’iil ay Dib u Furtay Marinka Gargaarka Ee Kerem Shalom

Dagaal iyo duqeymo ayaa ka dhacay duleedka magaalada Rafah ee koonfurta Gaza, xilli Israa’iil ay sheegtay in marinka Kerem Shalom uu dib ugu furtay gargaarka.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku dileen dagaalyahannada Xamaas ee ku sugan bariga Rafah, taasoo qeyb ka ah waxa ay ugu yeereen howlgalka “sugan” oo ka dhan ah waxa ay ugu yeereen argagaxsida. Xamaas ayaa sidoo kale lagaso weriyay dagaalka.

Mar siki horreysay, militariga Israel ayaa sheegay in gawaarida xamuulka ah ay gaareen Kerem Shalom, oo ah marin muhiim oo gargaarka ka dib markii gantaal lagu weeraray Axadii.

Si kastaba ha ahaatee, hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in wax sahay ah aanay kasoo galin marinka.

Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii muujisay , qeylo dhaan ku saabsan waxa ay ugu yeertay “Ciriirirga” Israa’iil ee labada halbowle ee gargaarka Qaza, ka dib markii ciidamada Israa’iil ay si buuxda ula wareegeen dhanka Falastiin ee marinka Rafah ee u dhow ee Masar.

Dhanka kale, wada-xaajoodyada xabbad-joojinta cusub iyo heshiiska la-haystayaasha ayaa dib uga billowday Qaahira, iyadoo Mareykanku uu sheegay inuu rumeysan yahay in hindisaha Xamaas ee dib loo eegayo uu horseedi karo horumar.