Heemaal News Network

Dagaalo Culus Oo Wali ka Socda Agagaarka Isbitaalka Al-Shifa & Xoogaga Xamaas oo..

Dagaal culus ayaa ka dhacaya maalintii lixaad agagaarka isbitaalka Al Shifa ee magaalada Qaza halkaasoo Israa’iil ay sheegtay in ay ilaa hadda dishay in ka badan 170 dagaalyahan oo hubaysan, kadib weerar ballaran oo ay qaadeen, kaasoo ay wasaaradda caafimaadka falastiiniyiintu sheegtay in sidoo kale ay ku dhinteen shan bukaan.

Ma jirto cid madax banaan oo xaqiijin karta sheegashada ciidamada Israel.

Garabka hubeysan ee Xamaas iyo Jihaad Islaami ayaa sheegay in dagaalyahanadooda ay dagaal kula galeen ciidamada Israel bannaanka iyo agagaarka isbitaalka Al Shifa ee magaalada Gaza. Xamaas waxay sheegtay iney laayeen askar badan oo Israaiiliyiin ah ayna ka gubeen taangiyo iyo gaadiid kale

Ciidamada Israa’iil ayaa gudaha u galay Al-Shifa subaxnimadii hore ee maanta, waxaana ay isku dayeen in ay dhexmaraan dhismaha ballaaran, kaasoo ay ciidamadu sheegeen in ay ku xiran tahay shabakad tunnel-ka ah oo saldhig u ah Xamaas iyo dagaalyahannada kale ee Falastiiniyiinta.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in shan qof oo Falastiiniyiin ah oo dhaawac ah oo ku go’doomay gudaha Al Shifa ay u dhinteen ka dib markii loo diiday daryeel, biyo iyo cunto lixdii maalmood ee la soo dhaafay iyagoo sheegay in xaaladda bukaannada kale ee dhaawaca ah ay ka sii darayso.

Milatariga Israa’iil oo laba askari kaga dhintay dagaalka ka dhacay Cisbitaalka, ayaa sheegay inay ka hortagayaan waxyeello loo geysto dadka rayidka ah, bukaannada iyo shaqaalaha caafimaadka ee halkaas ku sugan iyo in la siiyo cunto, biyo iyo daryeel caafimaad oo ku filan.

Al Shifa, oo ah cisbitaalka ugu weyn ee Marinka Gaza dagaalka ka hor, ayaa hadda ah mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee yar ee xitaa qayb ahaan ka shaqeeya waqooyiga gayiga, waxaana sidoo kale hoy u ahaa dad barakacayaal ah.

Dadka deegaanka ee ka agdhawaa goobta ayaa sheegay in ciidamada Israel ay qarxiyeen tobonaan guri iyo dabaqyo ah oo ku yaala wadooyinka ku teedsan cisbitaalka waxayna cagaf galiyeen wadooyinka. Waxa ay sheegeen in Cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Al-Helo oo ka ag dhawaa ay sidoo kale ciidanku garaaceen.

Xafiiska warbaahinta ee ay maamusho Xamaas ee Gaza ayaa sheegay in taangiyada Israel ay garaaceen dhismayaal dhowr ah oo ku yaal Isbitaalka Al Shifa ayna dab qabadsiiyeen qeybta qaliinka iyo in ku dhawaad 240 bukaan ah iyo asxaabtooda iyo sidoo kale daraasiin ka tirsan shaqaalaha caafimaadka la xiray.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Iraan: Xasuuqa Shacabka Carbeed Waxaa Ka Danbeeya Maraykanka

Heemaal

Ciidanka Israel Oo ka baxay Khan Younis ka dib Dagaalo Faraha Looga Gubtay (Sawirro)

Heemaaln

Turkiga Oo Ku Canaantay Caalamka Daawshada Xasuuqa Ka Socda Gaza

Heemaal