Israa’iil ayaa dhammaan Ciidankeedii lugta iyo kuwa taangiyada gelisay gudaha magaalada Gaza sida ay ku warantay warbaahinta Israel
Waxaa halkaas ka socdan dagaalo culus ,waxana la arkayaa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Israa’iil oo Qaza ka daad guraynaya askarta dhaawaca ah iyada oo Israa’iili ay sii ballaarisay duqaymadeeda ay ku xasuuqayso shacabka reer Qaza ”
Dagaalyahanada Qassam ayaa sheegay in ay bariga magaalada Khan Younis ka fuliyeen hawl gal ballaaran oo ay la beegsadeen ciidamada Israa’iil kuwaas oo ay ka dhigeen wax la dilay iyo kuwo la dhaawacay
Waxay intaas ku dareen inay arkeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Israa’iil oo qasaarihii goobtaas ka daad guraynaya
Dhinaca kale, Dhawaqa digniinta weerarka ayaa laga maqlay goobo badan oo ka mid ah degaanada Israel ah xoogga ku haysato, oo ay ku jirto Qudus.
Ciidamada Israa’iil oo sheegay in ay arkeen gantaal laga soo riday Yemen oo degaanadaas ku soo jeeda.