Heemaal News Network

Dal Afrikaan ah oo Diiday Deeq ka timid Heyadda IMF

Madaxweynaha Burkina Faso Ibrahim Traore ayaa diiday kaalmada dhaqaale ee IMF iyo Bankiga Adduunka.

Ibrahim Traore ayaa sheegay in deeqaha reer galbeedka ay yihiin kuwa sabab in Afrika ay ku talaabsan weyso horumar iyo isku tashi.

“Afrika uma baahna deeqaha Bankiga Adduunka, IMF, Europe ama Mareykanka, Afrika waxay haysataa wax kasta oo ay ku horumarin karto dhaqaalaheeda, iyada oo aan wax deyn ah ka qaadan dalalka shisheeye, ee gumeysiga nagu haysta,” ayuu yiri Ibrahim Traore.

Kabtan Ibrahim Traore oo xukunka ku qabsaday afgembi ayaa noqday hoggaamiyaha ugu da’da yar afrika. Waa askari taliskii ka horreeyay ku dhaliilay istraatiijiyad aan miro-dhal ahayn” inay ku wajaheen kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka iyo Al-Qaacidda ee dalkaas ka dagaalama.

Wuxuu 30-kii Sebteembar talada ka tuuray Madaxweyne Paul-Henri Damiba.

Traore oo 34 jir ah wuxuu milateriga ku biiray sanadkii 2009, isagoo la soo shaqeeyay cutubyo kala duwan oo ka howlgalay bariga iyo waqooyiga Burkina Faso.

Madaxweyne Traore ayaa dalka Burkina Faso ka eryey ciidamada Faransiiska oo dalkaas ku lahaa saldhigyo milateri, isagoo ka soo horjeestay reer galbeedka, xiriir dhowna la sameystay Ruushka.