Heemaal News Network

Dalalka Carabta Oo Maanta si Mug leh U Taageerray Dawladda cusub Ee Suuriya

Dalalka Carabta ayaa taageerray dawladda cusub ee Suuriya, iyadoo wasiirrada arrimaha dibadda Carabta ee loogu yeero kooxda xiriirka Suuriya ay muujiyeen inay si dhammeystiran u taageerrayaan isbeddel siyaasadeed ee nabadda ah oo ay Suuriya hoggaaminayso kaas oo matalaya dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada.

Sidoo kale inta uu socday kulanka wasiirka arrimaha dibadda Jordan, ayaa lagu sheegay in ay bixin doonaan dhammaan taageerada lagama maarmaanka ah inta lagu jiro “marxaladdan kala -guurka ah, iyada oo la ixtiraamayo rabitaanka iyo doorashooyinka dadka Suuriya.

Mareykanka ayaa xiriir toos ah la billaabay dawladda cusub ee Suuriya, sida uu shaaciyay xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken.