Wasiirkan ayaa ku baaqay in macbad Yuhuudu wax ku caabudo loo beddelo masjidka Al Aqsa gaar ahaana Al-Haram Al-Shariif , hadalladan oo ay sheegeen waxay ay Israa’iil ka heli karto inay tahay kicinta shucuurta Muslimiinta caalamka oo aan ciddi xakameyn karin.
Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka war saxaafadeed hadalkaa lagu cambaareynayo soo saaray.
Ma aha markii u horreysay oo hadalladan oo kale ay ka soo yeeraan Ben Gvir, laakiin hadda wuxuu joogteeyay ku xad-gudubka goobta saddexaad ee ugu barakada badan caalamka.
Goobta al-Haram al-Sharif ee masjidka Al Aqsa ayaa waxaa ka mamnuuc ah iney ku tukadaan, ama ay ku sameeyaan waxyaabo la xiriira diin dadka aan muslimka ahayn.
Xarunta ayaa waxaa maamula hey’adda Waqf ee dalka Jordan, halka ilaalinta amnigana ay maamusho Israa’iil.