Heemaal News Network

Daraasad Lagu Ogaaday Heerka Walwalka iyo Murugada Ee Dadka Barakacayaasha Muqdisho

Qaar kamid ah Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa waxa ay daraasad ku sameeyeen qaar kamid ah xeryaha barakacayaasha ee ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana dhaqaatirtaan ay u kuur galeen heerka walwalka iyo murugada ay ku nool yihiin dadkaasi inta badan kasoo barakacay gobolada dalka.

Dr Daahiye oo kamid ah dhaqaatiirta wax ka sameeysay xog uruurintaan iyo baaritaan ee dhinaca maskaxda ayaa sheegay in ay tageen ilaa 10 kaam oo ay ku jiraan barakacayaal kuna yaala degmooyinka Kaxda iyo Dayniile, waxaana ay wareysi la yeesheen in kabadan 500 Qof.

Cilmi baaristaan ayaa xooga saartay dadka ‘doodi u dhaxeeyso 18 ilaa 70 sano jir, waxaana daraasadaan ay sameeyeen labadii bilood ee ugu dambeeyay sanadkii 2023.

Dadka la wareystay 44% waxa ay qabeen xaalada walwalka, dhinaca niyad jabka ama muragada waxa la nool 36%, waxaana ay dhaqaatiirtaan ay cadeeyeen dadka walwalka qaba in dadkaasi 50% ay xaaladoodi aad u daran tahay oo ay u baahnaayeen in daweeyn caafimaad helaan.

Xaaladahaan oo kale waxa keena xaalado badan oo is biirsaday oo ugu weyntahay xaalad dhaqan dhaqaale, maadama dadkaan ay la kulmeen daadadkii waxyeeleeyay hantidooda, sidoo kalana xaalada amaan ee ka jirta dalka, haweenkana waxa ay ahaayeen kuwa ugu badan ay dhibaatadaan la saxiibka ah, sidoo kale wax barasha la’aanta ayaa saa’idisay inuu kordho dhibaatadaan dhinaca dhimirka sida uu xusay Dr Daahiye.

Darasaadaan ayaa ugu dambeeyn ku talisay in dadka ay quseeyo ku baraarugaan in dhibaato dhinaca dhimirka la xiriirta ay dadka barakacayaasha ah ay ku nool yihiin.