Heemaal News Network

Dawlada Afgaanistaan Oo Iran Uga Digtay Iskudayga ay ku Xirto Biyaha Wabiga Harirud

Dawladda Afgaanistaan ee ay hoggaamiyaan Taliban ayaa maanta uga digay Iran iskudayga ay ku doonayso xukuumada tehran inay ku xirto biyo xireenka Pashdan ee wabiga Harirud oo ay Iran ka hesho biyo,taa oo ay iska diidday Afgaanistaan.

Hadallada ka soo baxaya mas’uuliyiinta maamulka Tehran ee la xiriira inay Taliban biyo xireenka Pashdan ee wabiga Harirud oo ay Iran ka hesho biyo, ayaa sababay Khilaafka labada dal oo wadaaga soohdin in ka badan 900-km ayaa muddo dheer soo jiitamaysay, iyadoo hadda Kabul iyo Tehran ay billaabeen inay hadallo adag isku dhaafsadaan warbaahinta.

Muddo toddobaadoyo ah Afgaanistaan ayaa dhexda u gashay khilaaf kala dhaxeeya dalalka ay xadka la wadaagto ee Pakistan iyo Iran, tan oo haddii ay sii socoto wax u dhimaysa Afgaanistaan.