Heemaal News Network

Dawlada Faransiiska Oo si Cad U Sheegtay Inay Taageersan Tahay Maxkamada ICJ.

Dawlada Faransiiska ayaa si cad u sheegtay inay si buuxda u taageersantahay Madax banaanida Maxkamadda Dembiyada caalamiga ah, taasoo dacwad oogeheedu uu dalbaday in la soo xidho hoggaamiyeyaasha Israa’iil, oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, iyo qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxda iska caabinta Falastiin ee Xamaas.

“ Dawlada Faransiisku waxay taageeraysaa madaxbanaanida Maxkamadda Dembiyada caalamiga ah, iyo la dagaallanka isla xisaabtan la’aanta xaalad kasta,” sidaa ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada Arrimaha dibedda ee faransiiska.

Dagaalka 228-ka maalmood socdey ee Israa’iil ku qaaday Qaza waxay ku dishay 35,562 oo falastiiniyiin ah, ku waas oo u badan carruur, iyo haween waxaana ku dhaawacmay 79,652 oo qof, iyadoo in lagu qiyaasay in ka badan 10,000 oo qofna ay ku hoos aasan yihiin burburka guryaha ay duqeysay isra’iil.