Hindiya ayaa hoos u dhigtay xiriirka diblomaasiyadeed ee Pakistan, waxaana inuu toddobo maalin loo qabtay inuu uga baxo Hindiya u qeybsanaha dhinaca milatariga ee safaaradda Pakistan ay ku leedahay New Delhi, intaa oo kaliya ma ahee waxaa la joojiyay heshiisyada u socday labada dal , halka sidoo kale ay Hindiya xirtay xadka ay la wadaagto Pakistan.
Arrimahan oo dhacay waxay la xiriiraan go’aan ay Hindiya uga jawaabayso, dhimashii ugu badnayd , tan iyo 2000 oo Hindi lagu dilay oo ka dhacday gobolka ay Muslimiinta degganyihiin ee Khashmiir, halkaa oo shalay lagu dilay 36 Hindi ah , wallow la xiddiday faafinta tirada dhimatay, kaddib markii rag hubaysan oo soo xirtay dharka ciidanka Hindiya ay rasaas ku fureen dalxiisayaal Hindi oo ku sugnaa gobolkaa. Hindiya ayaa ku eedeysa Pakistan inay taageerto muslimiinta Kashmiir ee doonaya inay madax bannaani ka helaan Hindiya.